U bood dhigaalka

Madaxweynaha Turkiga oo Waraaqihiisa Ka Guddoomey Safiirka Cusub ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Mudane Maxamed Cabdullaahi Sanbaloolshe ayaa waraaqadiusa aqoonsiga ka gudoomey madaxweynaha Turkiga Mudane Rajep Tayip Erdogan.

Danjire Maxamed Cabdullaahi ayaa badalaya safiirkii horey halkaasi u fadhiyey Maxamed Mursal oo xilkaasi laga badalay.

Sanbaloolshe waxa uu soo ahaa wasiir, markii ugu dambeysana waxa uu noqdey taliyaha nabad suggida qaranka ee NISA, xilkaasi oo uu ka qaaday Ra’isulwasaare Cabdiwali Sheekh Axmed.

Turkiga iyo madaxweyne Erdogan ayaa ka mid ah saaxiibadda ugu waaweyn ee Soomaaliya, iyada oo dowladda dalkaasi ay si weyn uga qeybqaadatay dib u dhiska dalka Soomaaliya oo wali socda.

Goobjoog news

sanbaloolshe iyo erdogan 2 sanbaloolshe iyo erdogan