U bood dhigaalka

Madaxweynaha Uganda Oo Ku Celiyey In Ciidankiisu Kala Baxayo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamadooda ay kala bixi doonaan dalka sanadka dambe ee 2017-ka haddii aan la marsiin Howlgalka AMISOM Jihadda Saxda ah .

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Madaxwaynaha Dalka Uganda Yuweri Kakuto Museveni, Kadib kulan dhaxmaray hoggaamiyayasha Gobolka oo looga hadlayay ammanka wadadama Africa islamarkaasna uu ka qaybgalayay Ray’sul wasaaraha Israel Binjamin Natinyaho.

Arintan ayaa abuuraysa xaalad cusub , taasi oo ku noqonaysa caqabad dowladda Madaxwayne Xasan .

Dowladda Ugandha waxa ay ka walaacsan tahay qorshe howleedka Howlgalka AMISOM ee Somalia , midaasi oo dhab ahaan ay la tahay inay keeni karto in dowladda uu hogaamiyo Yuwere Museveni go;aamiso in ciidanka dalkan ka jooga ay kala baxaan bilowga sanadka dambe.

Madaxwaynaha Ugandha Museveni ayaa u sheegay warfidiyeenka in ay jiraan qorshe xumo la xiriirta istiraatiijiyadda Howlgalkaasi AMISOM wuxuuna sheegay in ciidanka ka jooga Somalia ay kala baxayaan marka la gaaro 2017-ka.

Balse Madaxwaynahu  waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidankiisa dalka Somalia ay ku sii joogi karaan iyadoo dhanka saxda ah loo weeciyo jihadda Howlgalka AMISOM oo uu saluugsan yahay sida loo wado iminka.

Warkan la xiriira in Ugandha ay ciidamadeeda kala baxayso Somalia ayaanan farxad gelinaynin dowladda uu hogaamiyo Madaxwayne Xasan, waxaana dhici karta in suuragal noqoto in labadda madaxwayne ay ka arinsadaan xaaladan cusub.

Yuweri Musefeni, hadalkan ayuu ka sheegay shir Kampala ka dhacay oo madaxda gobolka ay uga hadleen amniga gobolka, shirkaasi oo sidoo kale uu ka qeybgalay RW Israel Benjamin Netanyahu oo booqanaya Africa.

Si  kastaba ,Dowladda Uganda oo kamid ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa haysata Sector 1, oo ah qaybta 1,Aad ee Howlgalka oo Muqdisho ah waxaana dhowr jeer ciidamadda AMISOM lagu soo eedeeyay dambiyo ay kamid yihiin inay Iibsadaan saanadda ciidan ee loogu talagalay inay amniga ku xaqiijiyaan , iyadoo ay jiraan tacadiyo kale oo dad shacab ah ay u gaysteen oo laga xusi karo in gawaaridoodu dad rayid ah ay ku jiireen Magaaladda iyo in ay rasaaseeyen dad shacab ah kuwaas oo qaarkood xal laga gaaray kuwana aan wali la xalinin.

Goaobjoog News