U bood dhigaalka

Madaxweynaha Uganda Oo Tababar u Soo Xiray Saraakiil Soomaali iyo Uganda AH

Sheeko:Amniga

Waxaa Xerada tababarka ee Kabamba lagu qabtay Munaasbaada ballaaran oo tababar loogu soo xirayay Leyli Saraakiil oo muddo hal sano iyo bar tababar ugu socoday Dalkana Uganda.

Waxaana Munaasabaada tababarka loogu soo xirayay Leyli Saraakiisha goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dalka Uganda, Taliyaasha Ciidamada Uganda, Abaanduulaha Ciidanka Lugta ee Dowladda Soomaaliya, isuduwaha Tababarka iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha, Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Diplomaasiin, Guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata halkan iyo bulshada qeebaheeda kala duwan.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa markii uu soo gaaray goobta Salaan sharaf ka qaatay Ciidamada.

Leyli Saraakiisha ee Tababarka loo soo xiray ee isugu jiray Soomaaliya, iyo Uganda ayaa soo bandhigay dhoola tus qurux badan.

Sido kale Leyli Saraakiisha ee tababarka usoo idlaaday ayaa goobta lagu dhaariyay,sido kale Madaxweyne Yoweri ayaa abaalmarin gudoonsiiyay Saraakiishii kaalmaha horey ka galay mudadii uu tababarka socday. Iyadoona Haaruun oo ka socda dowladda Soomaaliya uu qeyb ka ahaa dadkii abaalmarintaas la guddoonsiiyay.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa qudbad ka jeediyay goobta Madaxweyne Museveni, asigoona Saraakiisha ku booriyay inay mar walba dantooda ka hormariyaan danta dadkooda.

General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire  Abaanduulaha Ciidanka lugta iyo Sii-hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamed Maxamuud (Cagabaruur) ayaa Hambalyo u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed iyo Saraakiisha Tababarka loo soo xiray.

Saraakiishan tababarka loo soo xiray ayaa isla maanta ka dhoofay garoonka Caalamigga ah ee Entebbe waxaana hoaray u raacay saraakiisha Abaanduulaha Ciidanka lugta General Cabdirashiid Cabdullaahi Shire, iyo isuduwaha Tababarka iyo isdhaxgalka ee Xafiiska Madaxweynaha Bashiir Axmed Maxamed waxaana garoonka ka sagootiyay Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Cali Maxamad Maxamuud (Cagabaruur).

Dowladda  Uganda waxey kamid tahay Dowladaha Soomaaliya taageero buuxda ka siiya tababarda Ciidanka Xooga Soomaaliyeed.

Goobjoog News