U bood dhigaalka

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo Rajo Ka Muujiyey Shirka, Kuna Baaqay in La Taageero

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo dhaweyay shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada uga socda Afisyooni.

Xasan sheikh ayaa rajo ka muujiyay shirka isagoo sheegay in ay filayaan in natiijo fiican ay ka soo bixi doonto Teendhada.

Hoos Ka Akhriso War-saxaafadeedka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud

Waxaan soo dhaweynayaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee
doorashooyinka ee Muqdisho ka furmay aniga oo u rajeynaya guul iyo in ay ka soo baxaan
natiijooyin wax ku ool ah.

Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku
saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda,
qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan
sidii uu shirku ku guuleysan lahaa.

Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay
ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo
wax la qeybsiga dunida asaaggeena ah.

Dowladnimadeennu waxay maanta ku jirtaa xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago
lagana badbaadiyo burbur hor leh. Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha
dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka waxa uu hubanti la’aan geliyay dowladnimadeena.

Qatarta maanta dalka haysata ma aha oo kaliya in hay’adihii fadaraalka ee dalka isku hayay ay
sharciyaddii ka dhammaatay ee waxaa kala qeybsan golayaashii sharci dejinta, golihii fulinta
ayaa inta badan curyaansan, hay’adihii amniga ayaa qeybsan. Haddaba xaaladda ay ku sugan
yihiin hayadaha fadaraalka ayaa keeni karta in nabad geliyada dalka ay qar ka sii dhacdo, taas
oo fursad siin karta cadowga.

Sidoo kale waxaa qatar ku jirta midnimada dalka oo hay’adaha Federaalku yihiin kuwa isku haya dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Waxaa taagan walwal ah in nidaaamka deyn-cafinta oo muddo siddeed sano ah soo socday uu
gebi ahaanba burburo, taas oo ay ka dhalan karaan natiijooyin aan la mahadin oo dhaqaalaha
dalka ee liita hoos usii dhiga. Xiriirka hay’adaha, ururrada iyo dowladaha dunida aan la leenahay
oo dadaal badan lagu bixiyay soo celintiisa ayaa isna qatar ku jira haddii ay daba dheeraato
marxaladda adag ee uu dalku ku jiro.

Iyada oo maanka lagu hayo xaaladdan, ayaa waxaa lama huraan ah in shirka furmay uu si
degdeg ah u gaaro go’aamo suurtagelinaya in moddo kooban uu dalku ku aado doorasho xor
iyo xalaal ah oo la isku raacsan yahay hannaanka maamulkeeda si loo wada aqbalo natiijada ka
soo baxda.

Mar kasta Guul ayaan dadkeenna iyo dalkeennaba u rajeynayaa.

Dhaamaad