U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Galmudug Iyo Puntland Oo Lagu Soo Dhaweeyay Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa maanta gaaray madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Cabdikariin Guuleed oo saxaafadda kula hadlay Garoonka Kismaayo ayaa sheegay in magaaladaasi uu u tagay sidii uu uga qeybgali lahaa shirka madasha wadatashiga qaran ee berri ka furmaya Kismaayo.

Waxa uu Mr Guuleed u mahadceliyay cid walba oo kusoo dhaweysay magaalada Kismaayo, gaar ahaan madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Puntland oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu yimaado magaalada Kismaayo, isaga oo hoosta ka xariiqay in wax laga hadi doono ay tahay aayaha Soomaaliya iyo sidii la’isugu raaci lahaa meel qura oo ku aadan doorasho dhacdo.

Berri waxaa ka furmaya magaalada Kismaayo shirka madasha Wadatashiga qaranka oo looga hadli doono arrimo la xiriira doorashooyinka la filayo in sanadkaan dalka ay ka dhacaan.

Goobjoog News