U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Masar iyo Kenya oo Ka Wadahadlay Arrimo Ay Ka Mid Yihiin La Dagaallanka Argagixisada iyo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynayaasha Masar iyo Kenya oo ku kulmay Nairobi ayaa ka wadahadalay arrimo dhawr ah la dagaallanka argagixisada iyo arrimo kale oo ay  Soomaaliya ku jirto.

Safiir Calaa Yuusuf oo ah Afhayeenka rasmiga ah ee madaxtooyada Masar ayaa ka hadlay kulanka dhex maray  Labada madaxweyne ee Masar Cabdifataax Al Sisii iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta waxyaabihii ugu muhiisanaa ee labada dhinac ay ka wadahadleen.

Afhayeenku waxa uu ugu horreyn sheegay in labada madaxweyne ay ka  wadahadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada waddan ee dhaqaale maadama Labada waddan ay ka tirsan yihiin Suuqa bariga iyo Koonfurta Afrika ee “COMESA”, iyadoo xadiga isdhaafsiga ganacsi ee labada waddan uu kor u sii dhaafay 451 milyan oo doolar sanadkii 2016, iyadoo la filayo in labada sanno ee soo aaddana la gaarsiiyo illaa 1 Bilyan oo doolar.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale sheegay in labada madaxweyne ay isla soo hadal qaadeen iskaashiga dhanka ammaanka in la xoojiyo, iyadoo Labada waddanba ay ku jiraan dagaallo ay kaga soo horjeedaan argagixisada iyo khatarta sii kordheysa ee kooxda xagjirka ah, waana sida uu hadalka u dhigay afhayeenku.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay wabiga Niil iyo sidii ay si wadajir ah oo aad u wanaagsan uga wada faa’idi lahaayeen dowladaha hareera wabiga, iyadoo mashaariic wadaag ah laga fulinayo oo aan lagu xadgudbin xuquuqda dowladaha kale iyo adeegsiga wabiga Niil.

Sidaas oo kale, waxay ka wada xaajoodeen arrimo ay ka mid tahay “Gobolka oo maslaxad wadaag ay ku yihiin labada waddan, gaar ahaan xaaladaha isasoo taraya ee Konfurta Suudaan iyo Soomaaliya, Labada waddan ayaa hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in la iska kaashado sidii nabd iyo xasillooni looga dhalin lahaa gobolka”, ayuu yiri afhayeenka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa weydiistay dhigiisa Masar Siisii inuu ku taageero  xafiisyada ururrada hoostaga Qaramada Midoobay ee Nairobi, sidii ay dalka Kenya usii joogi lahaayeen.

Goobjoog News