U bood dhigaalka

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo Kawada Hadlay Xiisadda Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay kawada hadleen shaqaaqooyinka inta badan ku soo noqnoqday magaalada Gaalkacyo kaas oo dhexmara ciidamo kala taabacsan labadadaasi maamul iyo mararka qaar oo ay halkaasi ku dagaalamaan maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed.

Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Qoorqoor ay kawada hadleen sidii aysan dib dambe ugu soo noqon Gaalkacyo shaqaaqooyinkii looga bartay waxa uuna intaas ku daray in maamulka Puntland uu ballan qaadayo sugidda amniga magaalada iyo inaysan dhinaceeda ka imaan wax liddi ku ah nabadgalyada Gaalkaacyo.

Dhanka kale madaxweyne Deni ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay inaysan iyagu hurin colaad sababta mid guud waxa uuna faray in wixii tabasho ah lagu xalin doono nidaam dowli ah islamarkaan wixii dhacay laga xisaabtami doono isaga oo intaas raaciyay inay jiraan dad aan doonayn nabadgalyada magaalada Gaalkacyo inay dadka ku dhex jiraan.

Inta badan waxaa magaalada Gaalkacyo oo koonfurta iyo waqooyiga ay ka kala maamullaan Galmudug iyo Puntland ayaa waxaa ka dhaca shaqaaqooyin kala duwan kuwaas oo intooda badan salka ku haya aanooyin qabiil walina dhinacyada labada maamul ma aysan helin xal waara oo magaaladaasi amnigeeda lagu sugo.

Goobjoog News