Madaxweynayaasha Turkiga Iyo Ruushka Oo Kawada Hadlay Duqeyntii Suuriya

Madaxweynaha Turkiga Recep Deyyip Erdogan ayaa dhiggiisa Ruushka Vladmir Putin kula hadlay qadka telefoonka, waxayna kawada hadleen duqeynta Mareykanka, Faransiiska iyo UK ay ka geysteen gudaha Suuriya ayna uga soo horjeedeen nidaamka Bishaar AL-asad.

Labada dhinac ayaa hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in la dajiyo xaaladda kacsan ee gobolka, beesha caalamkana ay iska kaashato sidii loo  xallin lahaa Khilaafka Suuriya.

Sabtidii ayey aheyd markii ay sheegeen Mareykanka, Faransiiska iyo UK in duqeyn saddex geesood ah ay la beegsadeen saldhigyo Millatari oo ay lahaayeen ciidamada Suuriya, waxay tilmaameen in ay jawaab u tahay weerarkii Kiimikada uu Nidaamka Suuriya uu ku garaacay magaalada Douma ayna ku dhinteen dad badan oo Shacab ah.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW