U bood dhigaalka

Madaxweynayaashi hore ee Puntland oo war ka soo saaray dagaal ka dhacay Boosaaso

Sheeko:Amniga

Madaxweynayaashii hore ee maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed ka soo saaray dagaal khasaaro gaystay oo ciidamada Puntland ku dhexmaray garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

Dagaalka oo yimid kadib markii ay garoonka ka soo dagtay diyaarad gargaar bini’aadanimo sidday oo ka soo degtay garoonka Boosaaso, ayaa ciidamada maamulka ay isku maandhaafeen in wafdiga diyaraadda la socday loo soo gudbiyo magaalada.

Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiwlei Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole, Axmed Ciise Cawad (Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee DFS), Cabdikhadar Shaaciye (Wasiir hore ee Puntland ahna Xubin Golaha Shacabka ee Puntland), Maxamed Cabdiraxmaan Faroole (Lataliyaha Amniga ee Puntland), ayaa sheegay in ay cambaaraynayaan dhacdada ka dhacday garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Mas’uuliyiintaan ayaa sidoo kale sheegay ay mas’uuliyadda dhibka ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ay qaadeyso guddoomiye ku-xigeenka golaha shacabka BJFS Xildhibaanad Sacdiya Yaasin Xaaji Samatar.