U bood dhigaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe “Madaxda Talada Laga Sugayo Ha Isku Tanaasulaan”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya isaga oo sheegay in ay muhiim tahay kalsooni badan inay isku muujiyaan Soomaalida si loo gaaro horumar iyo hiigsiga la doonayo.

In ka badan 20 sano ayuu sheegay in Soomaaliya meelo badan la’isugu keeni jiray, kala guurkana dalka dibadiisa lagu hagaajin jiray, balse ay guul tahay in Soomaalida maanta ay isugu yimaadaan caasimadooda Muqdisho.

“Waa Inaan innagu isku kalsoonaanno, waxaan ka hadleyno ogaanno inay tahay masiirkeena iyo mustaqbalka umadda Soomaaliya, Soomaaliya in ka badan 20 snao ayeey ku jirtay in geed la’isugu geeyo, Hoteelo, xilliga kala guurkana lagu hagaajiyo dibadda, laakiinse maanta waa guul in Teendho ku taalla magaalada Muqdisho ay Soomaalida isugu timaado si masiirkeena uga hadalno, waxa kaliya aan kusii gudbi karno waxay noqon kartaa innaga oo ilaalina kalsoonida dhexdeena ah, ogaanno in cid walba oo dibadda wax inooga keenta aanay waxeeda nagu soconin, in ay noqotay waxa laga hadlayo wax lagu wada qanacsan yahay” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in loo baahan yahay marka wax la qorayo inaan qoraal banaanka laga keenin, balse loo baahan yahay in warqad la keeno laguna qoro waxa la’isku fahmo.

Madoobe ayaa ku dardaarmay in aan la eegin danta shaqsiga ah, balse la eego danta guud waxna laga qabto marxaladda dalka uu marayo, shirka Muqdisho ka socdana loo wajaho si Soomaalinimo ah, iyo sidii 2016 loogu gaari lahaa si Soomaalida ku qanacsan tahay.

“Wey nagu filan tahay wixii aan soo marnay, Hooyooyinka rafaadsan, asayda wada, caruurta u la wixii ay siin lahaayeen waa inaan eegnaa, hadii dadkeena baaba’o war yaan xukumeynaa, inta madaxda ah ee talada laga sugayo wax walba oo aad qabtaan u tanaasula shacabka Soomaaliyeed”

“Aan u turno maanta shacabka Soomaaliyeed ee na sugaya si aan uga dul qaadno dhibaatada, Shabaabka dhibka ku haya, duufaanada la sheegayo iyo waxyaabo kale oo umadda haysta” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay Soomaalida gadaashooda tagaan, wixii talo iyo xalka wadanka ahna iyaga loo daayo si loo helo Soomaali mideysan oo dalkooda wax u qabaneysa.

Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka furmay shirka madasha wadatashiga oo looga hadlayo nooca ay noqon karto doorasho dalka ka dhacda sanadka 2016-ka.

Goobjoog News