U bood dhigaalka

Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadalay Madaharaadkii Dhacay iyo Mucaarad oo Sheegay in Ay Siiwadayaan Bannaanbaxyada

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay dibadbaxyadii rabshada watay ee  ka kala dhacay magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka shacabka ah iyo tiro ka tirsan  ciidanka ayaa eed dusha kaga tuuray xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADANI oo iclaamiyay iskusoo baxa.

Madaxweyne Biixi ayaa u jeedka Banaanbaxa loo sameeyay waxaa uu ku tilmaaamay in xisbiyada in ay jirto wax u qarsoon, isaga oo xusay in ay diidan yihiin in lagu tartamo doorashada, oo ay qeyb ka noqdaan urur siyaasadeedyada la diiwaan galiyey, sida uu hadalka uu u dhigay , waxaana ay horay ugu guul dareysteen sedexda xisbi Jiheynta doorashada soo aadan

“xisbiyada UCID iyo WADDANI waxa u qarsoon oo aanay dadka u sheegayn oo ay dagaalka iyo fidmada u gelinayaan, yeynaan la tartamin ururrada immika la diiwaangeliyey oo sharci ah oo weliba labada nin ee WADDANI isku wareejiyey markii ay xilka hayeen iyagu ahaa kuwii abaabulay ee sharcigaa saxeexay.” ayuu ku yiri qeyb kamid ah hadalkiisa Biixi.

Dhinaca kale hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay in ay sii wadayaan bannaanbaxyada lagu diidan yahay xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabadi, waxaana dhowr jeer oo hore dhinacyadu aysan isla goyn waqtiga kama dambaysta ah ay dhacayso doorashada guud ee Madaxweynaha, waxaana fashilmay shirar dhowr jeer ah.

Hadalka kasoo baxay madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo shalay bannaanbaxyo ka dhacay  magaalooyinka Burco, Hargeysa iyo Ceerigaabo, isku dhac ciidanka ammaanka iyo taageerayaasha xisbiyada ay sababtay geerida sedex ruux oo shacab ah iyo  dhaawac 27, kale halka ciidanka 62 askari lagu dhaawacay sida Booliisku baahiyay.