U bood dhigaalka

Madaxweyne Biixi oo Ka Hadlay Safarkiisii Maraykanka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigi uu hoggaaminaayey oo maalimihii tagay safar ugu  maqnaa waddanka Maraykanka, ayaa maanta  dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, waxaana halkaas kusoo dhaweyey mas’uuliyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan , isagoo kula hadlay warbaaahinta madaarka Cigaal

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in safarkiisii uu waddanka Maraykanka ku tegay ahaa mid taariikhi ah oo guulo waaweyn usoo hooyey bulshada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Safarkayagii wuxuu ahaa mid guul u ahaa Somaliland oo taariikhda geli doona, cadowga Somaliland-na wuxuu ahaa mid dhabarka ka jebiyey oo ka nixiyey.”

Muuse Biixi oo  ka hadlay wixii ay kalasoo kulmeen in ay safarka ku jiyeen Mareykanka iyo mas’uuliyiintii ay la kulmeenayaa yiri “Waxam idiinku bushaaraynayaa haddii ay shalay dawladaha waaweyni indhaha inaga lalinayeen in dawladdii adduunka ugu waynayd ay maanta indhaheedii inoo soo jeedaan” .

Madaxweynaha Somalailand aayaa waxaa uu hadalkiisa sii raaciyey in kulamadoodii in badan la dhageystay qadyadooda sida uu hadalka u dhigay, waxaana uu yiri isaga oo ka hadlaya” Haddii aan shalay hadalkeena aan hadalkeenna aad loo dhegaysanayn oo uu cadowgeennu dhegaha ka haystay dawlaha waaweyn, maanta waxad arkayseen iyada oo dhegaha dawladda maraykanku iyaga oo aad u raaracan ay dhegaysanayeen codka Somaliland iyo dareenkooda,” ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Goobjoog News