U bood dhigaalka

Madaxweyne Cali Ciid “Ciyaarooyda Galmudug Guul Ayaan Ka Sugaynaa”

Sheeko:Cayaaraha

Madaxwayne kuxigeenka Maamulka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa kulan kula qaatay xarunta madaxtooyada ciyaartoyda matalaysa Galmudug ee qeybta ka ah tartanka Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir 2020,waxaana kulankaa ka qeyb galay madaxda Wasaaradda Ciyaaraha,macallimiinta iyo Xiriirka kubbadda Cata Galmudug,iyadoo dhallinyarada matalaysa Galmudug lagu dardaarmay in ay ilaaliyaan sharafta iyo Maamulka ay matalayaan.

“Waxaa idinka sugayaan in aad kor u qaadaan magaca Galmudug,waxaan ku kalsoonahay awoodeen iyo xirfadeena ciyaareed,waxaan diyaar u nahay wax walbo oo horomarkeena,waxaan idinka sugaynaa guul iyo horomar” ayuu warbaahinta u sheegay Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Ciid.

Ciyaartooyda Galmudug ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay diyaar wanaagsan ku qaadanayay magaalada Dhuusamareeb,iyagoo goor hore tababaraha kooxda Galmudug loo magacaabay ciyaaryahankii hore Soomaaliya iyo naadiga  LLP Jeenyo Axmed Tahliil Cali.

“Shaqo adag ayaan qabanay bilooyinkii lasoo dhaafay waxaan iminka diirada saaraynaa horomarinta xirfadlayaasha matalaya Galmudug,ka wasaarada ahaan waxaan diyaar u nahay wax walbo ay u baahanyihiin macallimiinta iyo laacibiinteena” ayuu saxaafadda u sheegay  Cumar Cabdi Maxamed oo ah Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Galmudug.

Kooxda Kubbadd Cagta Galmudug labadii sano ee la qabtay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ma aysan gaarin guul waaweyn,iyadoo xirfadlayaasha matalaya badankooda laga keenay Gobolka Banaadir,balse sanadkan waxa ay ku da’daaleen in dhallinyarada matalaysa laga soo xulo deegaanada kala duwan ee Galmudug,taas oo ay dadka deegaanka u arkaan horomar la sameeyay.

“Is badalka aan sanadkan samaynay waxaan rajaynaynaa in laga arko garoomada ciyaaraha Muqdisho,waxaana awoodeena iskugu gaynaynaa sidii aan kaalamaha hore ugu dhamaysan lehyn tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir” ayuu warbhaainta u sheegay Axamed Tahliil Cali oo macallinka kooxda Kubabdda Cagta Galmudug.

Sidoo Aqriso Guddoomiyihii Hore X.K.Cagta Galmudug oo ka tagay Xafiiska

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/guddomiye-warsame-galmudug-waxaan-u-rajaynayaa-guul/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle