U bood dhigaalka

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Lagu Soo Dhoweeyay Degmada Matabaan

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo ka koobnaa wasiirro, xildhibaanno iyo mas,uuliyiin kale waxaa degmada kusoo dhoweeyay maamulka degmada, saraakiisha Hay’addaha ammaanka, waxgaradka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa Maamulka iyo bulshada Matabaan uga mahadceliyay soo dhoweynta balaaran ee ay u sameeyeen waxa uuna sheegay in dowladda Hirshabeelle ay ka shaqeyn doonto adeegyada horumarineed ee degmada Matabaan.
Madaxweynaha ayaa inta uu joogo degmada waxa uu kulamo la qaadan doonaa waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana safarkiisa uu imaanayaa xilli howlgallo ay ka socdaan deegannada hoos yimaada Matabaan.
Goobjoog News