U bood dhigaalka

Madaxweyne Cali Khaliif oo Safar Aan Lasii Saadaalin Ku Gaaray Somaliland

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydha ayaa si lama filaan ah ku gaaray magaalda Burco, kuna sii jeeda magaalada Hargeysa kadib markii ay u suurtogeli weyday safar uu kaga dhoofi lahaa magaalada Buuhoodle oo ciidamo ay ka hor istaageen.

Wasiirka warfaafinta Khaatumo oo Goobjoog la hadlay ayaa sheegay in ciidamo Puntland ay ka hor istaageen safarka madaxweyne Cali Khaliif uu ugu socday dalka Jabuuti.

” Madaxweynaha Khaatumo iyo wafti uu hoggaaminayo oo laba u jeeddo oo kala duwan leh ayaa iney raacaan ulajeedku ahaa, rakaabna wey keentay, dadka sheeganaya ee leh Puntland baanu nahay ayaa weerar ku soo qaaday aiport-ka qabsaday madaxweynuhu safarkiisa saas ayuu kaga baaqday”, ayuu yiri Axmed Xaaji Cali, wasiirka warafaafinta Khaatumo.

Wasiirka warfaafinta Khaatumo ayaa ku tilmaamay sababta ulajeedka safarka Cali Khaliif ee dhanka Jabuuti uu yahay mid ku aaddan arrimaha bini’aadamnimo oo loogu gurmanayo dadka abaartu hayso ee reer Khaatumo.

dhanka kale, Madaxweyne Cali Khaliif oo la hadlayay waxgaradka Buuhoodle isbuucii hore ayaa xusay inuu jiro khilaaf dhanka Khaatumo ah oo dadkii ugu muhiimsanaa maamulka kala geeyay.

“Dadkii dadka aanu iskugu dhaweyn ee Khaatumo wada ahayn oo rafaadka arrinta u soo wadagashay, war hooy dano gaar ah ayaa nasoo kala dhex galay, danahaa gaarka ahana danta guud iyo aayatiinka ummadda loo joojin maayo”, ayuu yiri Cali Khaliif.

Si kastaba, socdaalkan Madaxweyne Galaydh ee Somaliland ayaan la ogeyn waxa uu salka ku hayo iyo in safarkii dhanka Jabuuti uu sii wadi doono iyo in kale.

Goobjoog News