U bood dhigaalka

Madaxweyne Cali Mahdi Oo Muqdisho Lagu Aasay

Sheeko:Amniga

Allaah U naxariisto waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho maanta laga soo dejiyay meydka Madaxweeynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed .

Madaxweyne Cali ayaa maalin ka hor waxa uu ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo uu isbitaal ku yaallo ku xanuunsanayay.

Meydka Marxuumka ayaa gudaha Garoonka Aden Adde lagula tuaday salaadda Janaasada , iyadoo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Madax hore .

Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay Aaska madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaashi hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed , Gudoomiyaba Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxman , Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Mas’uuliyiin kale .

Saaladda kadib ayaana madaxweynaha lagu wadaa in la aaso.

Cali Mahdi ayaa Dalka Madaxweyne ka noqday intii u dhaxeysay sanadihii 1991 illa 1995 .