U bood dhigaalka

Madaxweyne Cosoble Oo Baarlamaanka Labo Bil Oo Dheeraad Ah Ka Dalbaday

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waqti kordhin ka dalbaday baarlamaanka maamulkiisa kadib markii ay dhammaatay muddadii la sugayay in madaxweynuhu uu ku soo magacaabo xukuumaddiisa.

War qoraal ah oo uu soo gaarsiiyay guddoonka baarlamaanka ayuu kaga dalbaday xildhibaannada inay fursad dheeraad ah u siiyaan soo magacaabidda golaha wasiirrada.

Madaxweyne Cosoble ayaa codsaday in loogu daro muddo labo bil ah si uu u soo magacaabo xukuumad tayo leh oo wasiirro ka soo bixi kara uu u magacaabo.

Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar  oo ka mid ah baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in baarlamaanka uu helay islamarkaana muddo labo bil ah uu codsaday madaxweynaha.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cosoble ayaa waxaa ka dhammaaday waqtigii uu fursadda u heystay inuu ku soo magacaabo golihii wasiirrada.

Xubno ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle oo qudhooda aad u doonaya kamid noqoshada xukuumaddani ayaa dalbanaya in Madaxweynaha uu soo dedejiyo sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow baarlamaanka Hirshabeelle.

Muddada uu mar kale codsaday madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa la filayaa inuu ku soo dhiso xukuumaddiisa.

Goobjoog News