U bood dhigaalka

Madaxweyne Cosoble Oo Ballanqaaday Wax Ka Qabashada Baahiyaha Ka Jira Isbitaalka B/weyne

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo ku sugan magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Isbitaalka guud ee magaaladaasi.

Madaxweyne Cosoble iyo xubno kamid ah maamulkiisa ayaa maanta tagay Isbitaalka magaalada B/weyne isaga oo u kuurgalay xaaladda bukaannada ku jira isbitaalkaasi.

Waxa uu Cosoble la kulmay maamulka Isbitaalka B/weyne iyo sidoo kale bukaannada halkaasi ku jira.

Kormeerkiisa kadib ayaa mar uu saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in maamulkiisa uu wax badan ka qabanayo baahiyaha degdeg ah ee ka jira Isbitaalka sida daawo yarida, maadaama aanu jirin hay’ad isbitaalkaasi gacanta ku haysa.

Dhanka kale, madaxweyne cosoble ayaa socod ku maray xaafado ka tirsan magaalada B/weyne, wuxuuna u kuurgalay xaaladda amni iyo midda ganacsi ee magaaladaasi.

Magaalada B/weyne waxaa maalmahan dambe ka jiray sicirbarar saameyn weyn ku yeeshay dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Goobjoog News