U bood dhigaalka

Madaxweyne dal oo $71,000, rooti ku iibsaday intii uu xilka haayay, $14,000 hal mar Shidaal ku shubtay

Sheeko:Amniga

Madaxtooyada dalka Brazil ayaa sii daysay cadeymaha dhaqdhaqaaqyada madaxwyenihii dhawaan xilka ka dagay Jair Bolsonaro, kaas oo ay bulshada aad ula yaabtay.

Hadalhayn aad u badan ayaa ka dhalatay qarashaadka uu isticmaalay ama lagu isticmaalay kaadhka gaarka ah ee madaxweynaha afartii sano ee la soo dhaafay taas oo amakaak ku ridday bulshada Brazil.

Xafiiska madaxtooyada Brazil oo uu hadda joogo madaxweyne Luiz Inacio Lula da Silva, ayaa sii daayay cadeymaha qarashaadka uu sida gaarka ah u isticmaalay madaxweyne Bolsonaro.

Lacagta la istcimaalay intii uu xafiiska joogay madaxweyne Bolsonaro, taas oo laga isticmaalay kaadhka gaarka ah ee madaxweynaha ayaa gaaraysa inkabadan $5 milyan, taas oo ku baxday Bolsonaro iyo dadkii ka agdhawaa.

Madaxtooyada Brazil ayaa sheegtay in $21,000 kamid ah lacagta loo isticmaalay cunno laga cunay Maqaaxi, taas oo ah maqaaxiyaha nolosha dhexe, sidoo kalena $10,000 kamid ah lacagtaas hal maalin lagu cunay Rooti (Roodhi)!

Uol  oo ah shabakad warar ayaa sidoo kale fasaxday cadeymo muujinayo in Jair Bolsonaro, uu ku qarash gareeyay $235,000 fasaxyadiisii 2019, 2020 iyo 2021.

Sidoo kale warbixinada la shaaciyay ayaa waxaa kamid ah in ku dhawaad $14,000 lagu bixiyay kaalin shidaal weliba hal maalin, waxaana lacag dhan $286,000 loo isticmaalay baashaal iyo in lagu dago Hoteello.

Cadeymaha ayaa sidoo kale muujinayo in  maqaaxi ku taalla gobolka Roraima ee dalka Brazil hal mar lagaga cunteeyey $21,000, taas oo ku filnaan lahayd inay cunto ku cunaan illaa 2,000 oo qof oo dalbada cuntooyinka qaaliga ah ee makhaayaddan.

Maqaayadda ayaa cunadeeda lagu qiyaasaa celcelis ahaan $10 meesha ugu sareyso ee cunada ay iibiso maqaaxidaas lagu cunay $21,000.

Kaadhka dowladda ayaa lagu dalbaday Roodhi gaareysa illaa $71,000, iyada oo laga dalbaday warshad rootida sameysa oo ku taalla Rio De Janeiro.

Lacag ka badan $1,600 ayaa lagu kharash gareeyey dukaamada jalaatada iibiya, taas oo kamid noqotay waxyaabaha aad u fajac geliyay dadka.

Goobjoog News