Madaxweyne Deni Oo Amarro Ka Soo Saaray Deegaameynta Dhulka

Madaxweynaha dowlad gooboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa war ka soo saaray deegaameenta laga sameeyo dhulka daaqsimeedka, waxaana uu  faray laamaha amniga in ay joojiyaan dhismayaasha nuucaas ah.

Qoraal ka soo maxay madaxtooyada ayaa lagu yiri” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray wareegto Lr. 03 kuna saabsan Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland

Ku: ​Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta.
Ku: ​Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Is-bedelka Cimilada
Ku: ​Wasaradda Amniga iyo DDR
Ku: ​Taliyaha Ciidanka Daraawiishta
Ku: ​Taliyaha Ciidanka Booliska

Ujeeddo: Joojin Dhismeyaasha iyo Deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland

Waxaa Dhammaan Wasaradaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Daraawiishta ee wareegtadani sida tooska ah ugu socoto la farayaa laga billaabo maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/07/2020 in la joojiyay dhismeyaasha iyo deegaameynta Dhul-daaqsimeedka Deegaanada Puntland.

Dowladda Puntland waxay soo saari doontaa habraac iyo shuruuc gaar ah oo loo marayo deegaameynta cusub ee deegaanada Puntland.

Wareegtadan ayaa dhaqangelaysa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW