U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Cadeeyay Mowqifkiisa Ku Aadan Dowladda Federalka ah

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleed Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayay xuska sanad guuradii 24-aad ee kasoo wareegtay markii la dhisay maamulka Puntland ee Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda guud ee ka jirta Puntland, Abaaraha iyo sida maamulkiisa ay kaga go’an tahay la shaqeynta Puntland iyo dowladda dhexe .

Madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay xuska maalintii la aasaasay nidaamka dowladnimo, kaas oo reer Puntland ay wax badan ka faa’iideen, isaga oo intaas raaciyay in ay keentay in Soomaali ay ku heshiiso federalism-ka, waxaana uu in badan ku dheeraaday waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka joogay madaxwene Siciid Cabdullaahi Deni.

“Hambalyo, waxaan isugu hambalyeynaynaa 1-da August oo sanad guuradii 24-aad ee kasoo wareegtay markii la dhisay dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, waxaan xoogga saarnay nidaamkii dowliga ahaa ee soo socday, ee, runtii marxalado kale duwan soo maray, marxaladdii aan anaga tartanka soo galaynay waxaan u aragnay, marxad waxyaabo hortabin leh ee Puntland ay u baahan tahay, waxaa ugu muhiimsanaa inaan hey’adihii dowladda dib u tayeyno” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Munaasabadda qaabkaan u xusnay wuu ka duwan yahay qaabkii hore, oo waxaa aynu hambalyada kadib lacag ugu uruurinaynaa,gurmadka aynu u samaynayno dadkeenna abaartu saamaysay, waxaan ugu baaqayaa in loo wada istaago oo laga wada qeyb qaato gurmado” madaxweyne Deni oo ka hadlay abaaraha iyo gurmadka socda ayaa sii raaciyay hadalkiisa .

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay isaga iyo maamulkiisa in ay la shqeeyaan dowladda federalka ah ay hoggaamiyaan Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre isagoo yiri Deni “Waxaan si buuxda u cadaynayaa, inaan la shaqaynayo dowladda federalka, si loo dhameystiro nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya”.

Goobjoog News