U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Dhagax Dhigay Dhismaha Waddo Iskuxirta Degmada Dahar iyo Xingalool

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladda Gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku soo gaaray Degmada Dhahar ee Xarunta Gobalka Haylaan, ayaa dhaggax dhigay Waddo Isku xiri doonta magaalooyinka Sheerbi, Dhahar iyo Xingalool, taas oo lagu wado in loo badelo wado laami ah.

Madaxweynaha Puntland, ayaa muujiyey muhiimada ay u leedahay Puntland dhaggax dhiga wadadan, isagoo xusay in Wadadan ay dadka Gobalka Haylaan ku xireyso Gobollada kale ee Puntland isla markaana ay ka qeyb qaadan doonto, Horumarka, Kobcinta ganacsiga iyo dhoofinta Xoolaha.

Wadadan oo dhererkeedu yahay 55Km ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Puntland iyo Banggiga African Development Bank, Save The Children iyo urur Goboleedka IGAD. Waxaana maanta toos loo billaabay dhismaha Wadadan oo qorshuhu yahay in wakhti kooban lagu dhameystiro dhismaha.

Munaasabadda dhaggax dhiga waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan, Mas’uuliyiinta Wasaaradda Howlaha Guud iyo Hay’adda Waddooyinka Puntland, Shirkadda dhisaysa Waddada iyo Madax ka socota Banggiga African Development Bank, hay’adda Save The Children iyo  IGAD.

Goobjoog News