U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Guddoomiyey Shir Looga Hadlay Amniga Puntland

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka difaaca Puntland ee Daraawiishta, waxaana kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xirrira amniga guud ee deegaannada  maamul goboleedka Puntland.
Kulanku intuu socday Madaxweynahu wuxuu uu warbixin ka dhegaystay Gen Yaasiin Cumar Dheere taliyaha ciidanka  daraawiishta ee  Puntland  iyo saraakiisha kale ee ciidanka ee maanta kulanka ka qeybgalay, waxayna la wadaageen howlgalada amni iyo qorsheyaasha ay ku horumarinayaan amniga  Puntland.
Madaxweynaha ayaa ciidanka daraawiishta Puntland ku boggaadiyay sida ay ugu adeegaan bulshada iyo sida ay marwaliba  heegan ugu yihiin difaaca Puntland, oo ay uga difaacayaan argagixisada iyo cidkasta oo amni daro ka shaqeynaysa sida uu hadalka u dhigay,  wuxuuna faray in ay sii laba jibaaraan gudashada waajibaadkooda.
Goobjoog News