Madaxweyne Deni Oo Isimada Mudug Kala Hadlay Dhismaha Dekadda Garacad

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo habeenimadii xalay  ku qaabilay Isimada Gobolka Mudug iyo guddiga dhismaha Dekadda Garacad oo Madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismaha Dekadda Garacad.

Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda Garacad oo ay ku baxayso $180 Milyan, waxay guddigu u faahfaahiyeen Madaxweynaha mashruuca oo wejigii labaad galay, marxaladaha ay Dekaddu soo martay iyo maanta meesha ay marayso.

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey Guddiga dhismaha Dekadda Garacad sida wadaniyada iyo masuuliyadda leh ee ay u wadaan shaqada iyagoo marxalado kala duwan lasoo maray.

“Dhismaha Dekadda Garacad waa Mashruucii iskutashi ee ugu weynaa noociisa ee ka socda Soomaaliya, tusaale ayeenu dadka u nahay, Dowladdana waa ka go’antahay dhameystirka dhismaha Dekadda oo aan rajeynayo dhowaan inuu dhammaado” Ayuu yiri Madaxweynaha dowladda goboleedka Puntland.

Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Isimada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ee gobbolka Mudug ee Puntland.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW