U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Ka Hadalay Gaari Qarax Siday oo Lagu Qabtay Bosaso

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni  ayaa maanta isaga  oo ku sugan magaalada Qardho ee goboolka Karkaar wuxuu ka hadlay howlgal ciidamada amniga gobolka Bari, ay ka sameeyeen magaalada Bosaso laguna qabtay  gaari sida la sheegay siday walxaha qarxa iyo hub oo ay wateenxubno ka tirsan  Daacish.

Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni, ayaa waxaa uu bogaadiyey ciidamadii howlgalka sameeyey isaga oo sheegay in laamaha ammaanka ay muddo ku dabajireen gaarigaan  waxaana uu intaas ku daray in la donayey shacabka reer Puntland  lagu cabsi galiyo laguna qalqal geliyo amniga magaalada sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Deni.

“Waxaa saakay lagu qabtay magaalada Bosaso Gaari oo ay la socdeen niman fal dambiyeedyo ku jiray oo lagu dabo jiray oo  runrtii arrintaas waxaan  uga mahad celinayaa ciidamada  ka howlgala magaalada Bosaso, sida dhiifoon ay ula socdeen oo ay wax uga qabten waxaana muuqatay in maalmihii dambe ay gabaabsi ahaayeen ururada xagjirka ah “ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland  oo hadaiisa siiwato ayaa cashabaka Puntland ugu baaqay in ruuxii arka wax amniga qalqal gelinaayo ay soo gaarsiiyaan ciidamada amniga waxaana uu yiri Madaxweyne Siciid Deni  .

“Umaddan cabsi waa ay ka soo dhamaatay Rabi ayey ka cabsanayaan waxaan bulshada reer Puntland aan u sheegayaa meel kasta ay joogaa yar iyo weyn in ay ka qeyb qaataan cirib tirka dadka diidan noloshooda Qabiil ma leh ehel maahan Islaam ma ahan waxaa ay diidan yihiin waa noloshiina waxaan rajaynayaa cidii meel ku aragta in laamaha ammaanka ay u soo sheegto, dowladdana waxaana rajeynaa  kiisas iyo dad badan oo aan heyno inaan si sax ah u sheegi doono goor dhow oo cid weliba ay mutaysan doonto wixii ay dowladda iyo maxkamadda ay ku xukunto”.

Hadalka maanta ka soo yeeray madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ka dib markii ciidamada ammaanka magaalada Bosaso ay saakay sheegeen ay qabteen gaari ay saarnaayeen Hub iyo walxaha qarxa oo ay la socdeen xubno ka tirsan Daacish iyadoo labada dhica uu iska hor imaad uu ku dhex maray magaalada.

Goobjoog News