U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni Oo Ka Hadlay Qaraxii Boosaaso Tacsina Diray

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa ka hadlay qaraxii wafdiga uu hoggaaminaayey maanta lagu eegtay afaafka hore ee magaalada Boosaaso, waxaana Deni uu tacsi u diray ciidankii ku geeriyooday qaraxa, kuwaas oo ka tirsanaa ilaaladiisa, oo gaarayey laba askari, halka ay dhaawacmeen afar kale oo ka tirsan ciidammadaasi.
“Waxaan Ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo guud ahaan Ciidamada Daraawiishta uga tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariiste Cabdullaahi Maxamed Shafeec iyo Maxamed Axmed Cabdullaahi oo ka tirsana Ciidamada Madaxtooyada kuwaasi oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada.
“Waxaa sidoo kale uu qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ” Waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda,alle waxaan uga baryayaa inuu janadii geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan uu kasiiyo. Sidoo kale waxaan intii dhaawacantayna alle uga baryayaa in uu u boogga dhayo. Aamiin”.
Ugu dambeyn ayaa waxaa lagu soo gabgabeeyey qoraalka” Ciidamadeena geesiyaasha ah waxay marwalbo heegan u yihiin difaaca Dowladdnimada, nabadda iyo horumarka Puntland, weerarada noocan oo kale ahna Puntland u hakanmayso, hore ayeey u soconaysaa iyadoo Cadowga ama cidkastoo falkaasi iyo kuwa la mid ka ah ku lug leh sharciga la marsiinayo”.
Qaraxa maanta kadhacay magaalada Boosaaso  ee lala eegtay wafdiga uu hoggaaminaayey madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni,  kaas oo ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo sidoo kale dhowaan qarax ka dhacay duleedka magaalada maqaayad ku taalla ay waxyeello kasoo gaartay dhowr dad shacab ah.
Goobjoog News