U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Taliyihii Hore Daraawishta Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida taliyihii hore ee ciidamada daraawiishta maamulkaasi. oo maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaallo magaalad Addis Ababa ee dalka Itoobiya

Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yi ” Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdillaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan  Puntland-ba ayaa ka tacsiyeeyey Geerida Alle ha u naxariistee Taliyihii hore ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) oo ku geeriyoodey magaaladda Qabribayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida .

Sareeye Guuto Cabdirisaaq Shiikh Cismaan Axmed (Cali Baadiye) wuxuu kasoo mid noqday Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, burburkii kadib waxaa uu ka qeybgalay Aasaaskii Ciidamada Puntland isagoo markii danbe noqday Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tacsida la wadaagay ummadda Soomaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay marxuumku. Madaxweyne Deni ayaa Alle “SWC” uga baryey Marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhamman Ciidamada qalabka sida, eheladii, asxaabtii iyo qaraabadii uu ka baxay”

Goobjoog News