U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Ka Tacsiyeeyey Dilkii Guddoomiyahii Gobolka Mudug Ee Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee guddoomiyihii gobolka Mudug marxuum Axmed Muuse Nuur oo maanta lagu dilay qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba” ayaa lagu yiri qoraal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa dhinaca kale  si kulal u cambaareeyay falkii  beegsaday Xarunta guddoomiyaha Gobolka Mudug waxaana madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryay intii ku dhimatay  weerarkaasi in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay in uu u boogadhayo,

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo.”

Hadalka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo maanta qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo lagu dilay goddoomihii gobolka Mudug,  kaas oo mas’uuliyadiisa ay sheegteen Al-Shabab.

Goobjoog News