U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda Hir-shabeelle Marxuum Khaliif Muumin Toloxow oo goordhoweyto u geeriyoodey Caabuqa Covid-19.

Madaxweyne Deni ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxa uu Hir-shabeelle dowlad iyo Shacabba uga tacsiyaynayaa geerida xanuunka badan ee ku timi Wasiir Khaliif Muumin, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyaynayaa eheladii, qaraabadii, iyo qoysaskii uu ka baxay Marxuumku, wuxuuna uu Alle uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna Rabbi kasiiyo dhamman ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Hir-shabeelle, ehelkiisa iyo asxaabtiisaba”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland ku booriyey inay feejignaan dheeriya ka yeeshaan caabuqa halista ah ee aan lahay daawo iyo talaaltoonna, isagoona si adag Madaxweynuhu shacabka Puntland ugu adkeeyey in la qaato amaawiirta Dowladda ee ka dhanka ah caabuqa Covid-19, si looga hortago xanuunkaasi halista ah.

Goobjoog News