U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dopwlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Muqdug ee Puntlnd, kadib markii qarax ismiidaamin ah lagu dilay bishii May 2020-ka, gudoomiyihii hore  gobolka  .

Mas’uulka cusub ee la magacaabay waxay walaalo yihiin Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo bishii tagtay ee May ku dhintay qarax lagula eegtay Afaafka hore ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qoraal kooban  oo ka soobaxay madaxtooyada ayaa waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare)  loogu nmagacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug ee Puntland,waxaana  lagu yiri” Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxwe yne Lr. 49 Juun 27, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: ​Dastuurka ​Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay:​ Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Mudug

Markuu arkay:​Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay”.

Goobjoog News