U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Ku-xigeenkiisa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta magacaabay guddoomiyaha   Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus iyo ku-xigeenkiisa.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku taariikhaysan 16-May-2020 ayaa  Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada culus loogu magacaabay G/sare. Maxamuud Cabdi Maxamed.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada culus  ayaa  loo magacaabay G/sare. Cawil Jaamac Nuur, sida ku xusan lagu xusay Wareegtada  uu soo saaray Madaxweyne Deni.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa magacaabay shan Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Sida kuwaas oo kala ah; G/sare. Maxamed Cabdi Bootaan, G/le. Keenadiid Cabdicasiis Axmed, G/sare. Cali Faarax Caydiid, G/sare. Cabdi Cali Jaamac iyo /sare. Maxamuud Faarax Maxamed.

Goobjoog News