U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddoomiye Gobol

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug, kadib xeer madaxweyne oo uu soo saaray, kaas oo ku Taariikheysan 23 July 2022, waxaana xilka guddoomiyaha gobolka loo magacaabay waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamed (Jifo Jabsade) inuu noqdo guddoomiyaha gobolka Mudug.

Faysal ayaa guddoomiyaha gobolka waxaa horey ugu magacaabay  Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash, hase ahaatee khilaaf u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ayaa sababtay in ay shaqaynin magacaabista, kadib waxaa labada mas’uul heshiis ka gaareen khilaafkooda taas oo keentay in madaxweyne Deni maanta uu magacaabo.

                                                                               Halkaan Ka Akhriso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamed (Jifo Jabsade) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Goobjoog News