U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Maxkamadda Sare Ee Puntland

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowladda Goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne, kaas oo sumadiisu tahay   Lr. 21 ee 30ka March 2022 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka  Puntland.
Madaxweynaha  Puntland.
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90-aad.
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.
Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid
1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare  Puntland.
2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiyah Kuxigeenka Maxkamadda Sare  Puntland.
3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare ee Puntland.
4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare ee Puntland.
5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare ee Puntland.
Waxaa kale oo la magacaabay.
B. Keydka.
1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin.
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin.
T. Xubno Guddi.
1. Daahir Maxamed Nuur.
2. Xasan Cabdi Cilmi.
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Goobjoog News