Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Taliyaha ciidamada ilaaalada Madaxtooyada iyo Taliye ku xigeenkiisa.
Markuu arkay : Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Dadaalkooda iyo Kartidooda Ciidanimo oo ay muujiyeen.
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in isbedel lagu sameeyo Taliska Ciidanka.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/Sare Cusmaan Cumar Maxamed loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada.
2. Waxaa G/Sare Cabdirisaaq Axmed Cali loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Madaxtooyada
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa Markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.”
Goobjoog News