U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Magacaabis Sameeyay

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne, kaas oo sumadiisu tahay Lr. 28 ee 19ka April 2022 kuna saabsan magacaabid xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhammaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.
Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.
Marku la tashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabid
1. Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda, Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda,
Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.
2. Waxaa Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
Goobjoog News