U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Tababar usoo Xiray Ciidamo Booliis ah

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi  Deni ayaa maanta magaalada qardho ee gobolka Bari tababar ugu soo xiray Cutubyo kamid noqonaya ciidamada Booliska Puntland, kuwaas oo muddooyinkii dambe ku xareysnaa dugsiga tabarka ciidanka ee Xorgoble.
Maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe waxaa uu sare u qaaday tayeynta ciidamada Booliiska ee amniga  iyo Daraawiishta, waxaana uu Siciid Deni carabka ku dhuftay intii uu xafiiska joogay in la tababaray 5 kun oo askar,  oo ah ciidamada qeybahooda kala duwan.
Madaxweyne Deni ayaa intaas ku daray intii tabarka socday in ciidamadu ay qaateen tababaro iyo xirfado badan oo la xiriiran anshaxa ciidanka Booliiska laga rabo, waxaana uu carabka ku adkeeyey in la rabo ciidan xirfado boolis  leh  kuna shaqeeyo xirfadihii la baray.
“Booliiska sidii uu magaalooyinka uga shaqeyn jiray si siisocon karta ma’ aheen, booliis qori sita oo qofkii mudaharaada xabad afka ka gelinaaya, markii baabuurtu isku dhacaan meeshii uu firimbi ka yeerin lahaa kor u ridaayo xabada booliiska aan heysanay sidaas ayey ahaayeen, waxaan rabnaa Booliis xirfad ku shaqeynaya”ayuu yiri.
Guddoomiyaha guddiga dib u habaynta ciidanka ahna Wasiirka maaliyadda Puntland Hassan shire abgaal ayaa ku dhawaaqay dhawaan in la kordhiyay mushahaarka iyo gunada ciidanka ay qaadanayaan iydoo la gaarsiiyey boqolkiiba 130,  iyadoo ay sii joogto ah u helaan xuquuqdooda sida uu hadalka u dhigay wasiirka maaliyadda.
Goobjoog News