U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Weli Muqdisho Kawada Kulamo Siyaasadeed

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa kawadaa kulamo kala duwan, kuwaas uu la qaadanaayo mas,uuliyiin ka tirsan dowladda ururada bulshada rayidka ah iyo xubno kale oo ay ku jiraan maansooleyda Soomaaliyeed.

Deni ayaa sacaadii lasoo dhaafay waxaa uu hoygiisa kulamo kula qaatay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, guddoomiyaha Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed Cismaan Muxiyadiin Macalim Shaatax iyo wasiiru dowlayaal.

Sidoo kale madaxweyne Deni ayaa xalay waxaa uu kulan gaar ah la qaatay guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee gobolaha aqalka sare Mowliid Xeen Guhaad, kulamadaan ayaa waxaa ay dhammaan ku qotomaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo xaaladda kala guurka ah ee dalka uu ku jiro.

Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku sugan caasimadda iyadoo la sugaayey in ay kulan la qaataan Farmaajo, laakiin labada mas’uul ayaa dalbaday in kulanka sedex geesodka ah ay kasoo qeyb galaan madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed si looga heshiiyo arrimaha doorashada 2020-2021, iyo sidii dib loogu eegi lahaa shirkii Dhuusamareeb3.

Goobjoog News