U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni oo Xilalkii Ka Qaaday Saraakiisha Booliska Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa xeer madaxweyne waxa uu xilalkii uga qaaday taliye ku xigeennada booliska maamulkiisa isaga oo magacaabay taliyaha booliska Puntland.

Masuuliyiina xilalka laga qaaday ayaa kala ah Sareeyo guuto Bile Faarax Cali oo ahaa yaliye ku xigeenkii 1-aad ee ciidanka booliska Puntland iyo gaashaanle sare Axmed Maxamuud oo ahaa taliye ku xigeenka 3-aad ee booliska Puntland.

Haddaba halkaan ka akhriso dikareetada ka soo baxday madaxweyne Deni

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.
  2. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Deni ayaa taliyaha booliska Puntland u magacaabay Sareeyo guuto Cabdi Xasan Xuseen.

Goobjoog News