U bood dhigaalka

Madaxweyne Deni “Waxaan Idinka Sugaynaa Koobka Maamul Goboleedyada Iyon Gobolka Banaadir”

Sheeko:Cayaaraha

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhiirigelin ugu tegay Kooxda Kubbadda Cagta Puntland oo diyaar garowaysa tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 oo dhawaan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Deni ayaa hadal kooban u jeediyay Ciyaartooga kooxda kubadda Cagta Puntland, wuxuuna ku bogaadiyey diyaargarowga iyo dadaalka ay ku jiraan, isagoo kula dardaarmay Akhaalq-wanaag, Ciyaar wanaagsan iyo wada-shaqeyn qaab ciyaareedka inay wanaajiyaan sida weerar, difaac iyo dhex , wuxuuna u rajeeyay inay ku guuleystaan koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Daawo Madaxweyne Deni Oo La Hadlay Ciyaartooyda Puntland

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle