U bood dhigaalka

Madaxweyne Erdogan oo Amaanay Horumarka Dalka, Kuna Booriyay Beesha Caalamka Garab Istaagga Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa maanta  khudbad ka jeediyay furitaanka madasha Istanbul ee Hiigsiga 2016-ka.

Madaxweynaha Turkiga waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku tilaabsatay tillaabooyin hor u mar leh sanadihii la soo dhaafay kuwaas oo ku saabsan nabadda iyo degenaanshiyaha.

“Waxaa booqashii ugu horeysay Soomaaliya ku tagay 2011-kii, marka la barbar dhigo wixii aan kusoo arkay booqashadeydii ugu dambeysay ee Muqdisho January 2015-kii, dalka waxaa uu ku tillaabsaday hor u mar, waxaa muhiim ah in aan amaano dadaalka walaalkey Xasan Sheekh iyo walaalaha kale ay sameeyeen ee arrinkaas ku saabsan”

Madaxweyne Tayyib Erdogan waxaa ka hadlay taageerada dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya isagoo soo qaatay in Ankara ay caasimadda Muqdisho ka fureyso safaaradda ugu weyn, isagoo intaa raaciyay in uu qorsheynayo in uu soo booqdo si uu safaaradda u furo.

Howlaha ay ka fuliyeen Soomaaliya mar uu ka hadlay waxaa uu sheegay in Muqdisho ka fureen isbitaal-ka ugu weyn bariga Afrika iyo mid kale oo ay furi doonaan dhawaan, waxaa kaloo uu sheegay in ay Militariga tababarayaan sanadkan iyo Iskuulo iyo Jaamacado uu sheegay in ay howlgeli doonaan.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan  waxaa uu soo qaatay in ku kalsoon yahay in dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada ay wax walba ka hor mari doonaan Maslaxadda umadda Soomaaliyeed isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay uguna baaqay beesha caalamka in la taageero Soomaaliya, lagana fuliyo maalgeshi iyo mashaariic hor u marineed.

Goobjoog News