U bood dhigaalka

Qiimeynta Shacabka Ee Cadaaladda Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Markii la doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa ballan-qaadyadiisii ka mid ahaa in cadaaladda uu wax-badan ka qabanayo nidaamka garsoorka dalkana uu hagaajin-doono.

Hal sano ayaa hadda laga joogaa doorashadii madaxweyne Farmaajo hadaba maxaa ka qabsoomay ballan-qaadyadii ku saleysnaa dhinaca cadaaladda oo uu sameeyay .

Carafaad Cali Maxamed oo Sharci yaqaan la hadlay Goobjoog News waxaa uu yiri “Cadaaladdu waa nidaam dhameystiran oo ah cid walba oo xaq yeelata in la siiyo xaqeeda, arintaasana waxaa uga mas’uul ah hay’adaha dowladda in ay hubiyaan qofkii ay wax ka maqnaayeen la siiyo”.

Dad badan ayaa qaba in cadaaladdu ay hadda liidato musuq badanna uu ka jiro dalka, kuwaas oo dhammaantood sugaya in madaxweyne Farmaajo uu wax ka qabto.

Cabdixakiim Cabdullahi oo ka tirsan dadka Banaadir waxa uu yiri “Cadaalad waxaa la dhahaa dadka in ay wada-simanyihiin, haddii ay ahaan laheyd xaquuqaadkeeda iyo waajibaadka intaba in ay kawada simanyihiin ayaa la rabaa, marka Soomaaliya maanta looma kala sinno,  xagga xaquuqaadka iyo waajibaadka, sidaas daraadeed Soomaaliya madhihi karo cadaalad waa ay ka jirtaa”.

Faarax Maxamed Xasan oo ah muwaadin kale waxa uu yiri “Soomaaliya wax cadaalad la dhihi karo ugama jeedo, ha ahaato dhan walba sida xaquuqul insaanka iyo dhanka dowladda, wax cadaalad ah ma jiro cadaaladda waa ay naga maqantahay”.

Isxaaq cabdullahi Xasan oo ah Abuukaate waxa uu yiri oo isna cadaaladda ka hadlay waxaa uu yiri “Dowladda adeeggaan garsoorka ah wax-badan ayey ka qaban kartay, balse haddii aan dhahno sanadkani waa ay ka gaabisay,  waxaan leennahay waa ay niyeesneed in adeeggaan garsoorka ay shaqooyin badan ay ka qabato, ma dhaheyno snadkani waa ay ka gaanbisay waxa aan leennahay waa ay niyeesatay in ay wax ka qabato”.

Dowladda ayaa marar badan sheegtay in dhanka cadaaladda ay wax badan ka qaban doonto, hadana dad badan ayaa waxa ay rumeysanyihiin in dhanka cadaaladda aysan wax ka qaban taas badalkeedana ay waxyaabo kale ku mashquushay.

Goobjoog News