U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Iyo Ra’iisul-wasaare Abiy Oo Ku Kulmay Magaalada Addis-Ababa.

Sheeko:Dalka

Ra’iisul-wasaaraha dowladda Ethiopia Abiy Ahmed ayaa shalay ku qaabbilay magaalada Addis-Ababa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamd Cabdullahi Farmaajo. Xafiiska Abiy Ahmed ayaa sheegay in labada mas’uul ay wada-qaateen wadahadallo laba dhinac ah, waxaana wadahadalladaas ka mid ah xoojinta iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga gobolka iyo nabadda.

Xiriirka labada dal u dhaxeeya ayaa dhawaanahaan sii xoogeysanayey iyadoo ay jiraan booqashooyin ay hoggaamiyaasha labada dal ku kala bixiyeen caasimadaha Muqdisho iyo Addis Ababa. Madaxweyne Farmaajo ayaa bilo ka hor booqday magaalada Addis Ababa taasoo markii dambe keentay inay isku raacaan Ra’iisul-wasaare Abiy magaalada Nairobi si uu u dhexdhexaadiyo qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya  Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa u tagey dalka Ethiopia kulan saddex geesood ah oo u dhaxeeyey Ethiopia, Soomaaliya iyo Eritrea. Nuxurka kulankaas wuxuu ahaa in la tixgeliyo madax-bannaanida, dhaqaalaha iyo iskaashiga u dhaxeeya dowladaha.

“Labada hoggaamiye iyo Marwada Koowaad ee Soomaaliya ayaa ku tallaalay dhir dhismaha,” ayaa lagu yiri war la soo dhigay baraha bulshada ee dalka Ethiopia. Geedo-tallaalka ayaa u noqotay arrin muhiim ah Ra’iisul-wasaare Abiy Ahmed gudaha iyo bannaanka aqalka madaxtooyada.

Usbuucii hore Abiy wuxuu billaabay arrin xafiiskiisu ugu yeeray olole lagu tallaalayo afar billion oo geedo ah dhammaan dalka Ethiopia.