U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Arrimo Badan Kala Hadlay Ciidamada Iyo Taliska Asluubta

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa maanta Tababar usoo xiray Urur ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo Sagaal bilood ah Tababar Ciidan oo dhameystiran ku qaatay Magaaladda Muqdisho.

Ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa la baray Gaadda ka ciyaarka Ciidammada, Isticmaalka iyo Farsamada hubka fudud,  Howlgallada iyo Difaaca, Ilaalinta Xabsiyada iyo Maxaabiista, Disibiliinka iyo Xeerka C.Q.S.S iyo kuwa kale.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac oo munaasabadda ugu horeyn ka hadlay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uga warbixiyey Ciidanka Maanta tababarka loo soo xiray heerarka ay soo mareen iyo qaabka ay u howl gali doonaan, isaggoo xusay in Dufcad kale oo cusub dhowaan Tababar loo furi doono, si loo dar dar geliyo Howlaha Taliska, loona helo jiil cusub oo diyaar u ah in qaranka ay u qidmeeyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Ciidammadaan ku baraarujiyey in si daacad iyo howlkarnimo ku jirto ay ugu addeegaan Qaranka, waxaana uu tilmaamay in looga baahan yahay difaaca dalka iyo sugidda Ammaanka Qaranka in mas’uuliyad gaar ah ay iska saaraan.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay ku jirto dagaal ka dhan ah  Alshabaab, islamarkaana dhowaan la qorsheynayo in la qaado howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweynaha JFS ayaa hortiisa waxa Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ku dhaarisay dhammaan Ciidammaddii Maanta tababarka loo soo xiray, iyadoo loo xiray Isteelaha Ciidanka, taasi oo muujineysa in si rasmi ah ay uga mid noqdeen Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Munaasabadda tabarka loogu soo xiray Ururkan ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed waxaa goob joog ahaa Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, Saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo kuwa kale.

Goobjoog News