U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo Bedelay Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka, Halka La Magacaabay Taliye Cusub

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya   Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay sarreeye guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta  ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo taliyaha cusub ee Ciidanka Badda.

Waxaa isla wareegto kale loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday Talaado, taariikhduna ay ku beegnayd 23ka, Juun 2020, waxa ayna ku dhaqan gelayaan faafinta rasmiga ah.

Goobjoog News