U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Booqasho Rasmi Ah Ugu Ambabaxay Qatar

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay booqasho rasmi ah ugu ambabaxeen magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Booqashadan ayaa waxay qaadan doontaan Labo maalin, iyadoo madaxweynaha uu la kulmi doono Amiirka dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan arrimo quseeya Soomaaliya iyo Qatar.

Madaxweyne Farmaajo waxaa safarkiisan ku wehlinaya wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka, waxaana la filiyaa in heshiisyo uu lasoo galo dowladda Qatar.

Waa safarkii Labaad oo madaxweyne Farmaajo ku aado Qatar tan iyo intii xilkaan loo doortay.

Goobjoog News