U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Dhagax Dhigay Garoonka Cadaado, Kuna Dhowaaqay In Magaaladaasi Tahay Xarunta Baarlamaanka Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa gaaray degmada Cadaado ee Galgaduud, waxaana socdaalkiisa ku wehlinayey madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu tagay Cadaado wuxuu dhagax dhigay dib u dhiska garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, waxaana sidoo kale uu kulan la qaatay waxgaradka ku sugan Cadaado.

Madaxweyne Farmaajo iyo sidoo kale Mudane Xaaf ayaa si wadajir ah waxay ugu dhowaaqeen in Cadaado ay tahay xarunta baarlamaanka Galmudug.

Waxaa lasoo sheegayaa in markii ay arrintaasi ku dhowaaqeen mas’uuliyiintan ay sidoo kale weydiiyeen waxgaradka in go’aankan ay ku qanacsan yihiin iyo in kale, waxaana waxgaradka ay sheegeen in hadda ay qanacsan yihiin.

Wafdiga madaxweynaha uu hoggaaminayo ayaa intaasi kadib u duulay dhanka degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News