U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Diray Hambalyo Ku Aadan Bisha Ramadan

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aadan bilasha bisha Barakeysan ee Ramadan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bisha Ramadan, wuxuuna ugu baaqey in kuwa wax haysta ay afuriyaan kuwa kale ee aan waxbo haysan.

“Waxaa noo bilatay bishii Ramadan, Ramadan Kariin, waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed hambalyo, waxaan rajeynayaa in qof walbo oo Soomaali ah uu afuriyo qof kale oo walaalkiis ah, qaasatan kuwa danta yar ama masaakiinta ah, waxaan ilaahay ka baryeenaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo nabad iyo barwaaqo” ayuu yiri madaxweynaha.

Waa maalinta Koowaad ee Bisha Ramadan, waxaana si isku mid ah looga sooman yahay guud ahaan dalalka islaamka ah.

Goobjoog News