U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Adis Ababa

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Adis-ababa ee caasimadda  Itoobiya,halkaas oo uu uga qeybgalayo Shir aan Caadi aheyn oo looga hadlayo xaaladda Koonfurta Suudan.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galaya dalalka ku mideysan urur Goboleedka IGAD waxaana looga hadli doonaa sidii xal loogu heli lahaa xaaladda colaadeed ee ka taagan waddanka Koofurta Suudaan.

Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay inay muhiim tahay in la xaliyo colaadda ka jirta Koofurta Suudaan ka hor shir madaxeedka Midowga Afrika kaasi oo lagu qaban doono dalka Mauritania 30-ka bishan June.

waxaa hadda ku sugan magaalada Adis-ababa Madaxweynaha Koofurta Suudaan Salva Kiir iyo Mucaaradkiisa Machar kuwaasi oo la doonayo in lagu heshiisiiyo halkaas.

Shirkan oo aan ahayn kii madaxda IGAD isugu imaan jireen ayaa diiradda lagu saari doonaa sida looga baaqsan karo dagaal mar kale ka dhaca K/Sudan, maadaama maalmahan dambe xiisad lasoo sheegayo.

Goobjoog News