U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo Oo Gaaray Jabuuti

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo safar ku maraya qaar kamid ah dalalka gobolka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti ayaa madaxweyne Farmaajo iyo wadigiisa si diiran usoo dhoweeyay, wuxuuna madaxweynaha la kulmi doonaa dhiggiisa dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa dowladda Jabuuti kala hadli doona sidii ay kaalin xooggan uga qaadan lahayd dagaallada ay dowladda qorsheysan in dalka looga saaro Al-shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safar ku tagay dalalka Uganda iyo Itoobiya, waxaana safarkaan uu ku joogo Jabuuti la filayaa in socdaalkiisa uu kusoo gabagabeeyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News