U bood dhigaalka

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Baydhabo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhow wuxuu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka Baydhabo oo ay kusii sugnaayeen madaxweynaha K/galbeed, wasiiro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka golaha amniga qaranka ayaa lagu wadaa in maanta uu ka furmo magaalada Baydhabo, iyadoo magaaladaasi ay goor sii horreysay gaareen Ra’iisul wasaaraha dalka, madaxda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo la filayo in magaaladaasi gaaraan madaxda Jubbaland iyo Hirshabelle, si shirka uu u furmo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeeena kale

Goobjoog News